Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Xasan-Meloni.jpeg?fit=2048%2C1368&ssl=1

    Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. 

    Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya. 

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika. 

    Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis-Ababa uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

    Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

     Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.
    Xasan-Meloni.jpeg?resize=696%2C465&ssl=1 340657595_934738721279472_49812045224767 340822996_6223161051064647_5226089358600

    The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Giorgia Meloni? appeared first on Caasimada Online.

  2. Ruto-scaled.jpg?fit=2560%2C1872&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa “ka xumaatay” hadallada ku saabsan madaxweyne William Ruto oo la sheegay inay kasoo baxeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kuwas oo ku soo baxay dukumeentigii sirta ahaa ee Mareykan, kaas oo si qarsoodi ah loo dusiyay, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah Jimcihii.

    BBC-da oo soo xiganaysa dukumeentiga la faafiyay ayaa toddobaadkan sheegtay in Aamina Maxamed ay u sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres bishii February in Ruto uu yahay ‘mid aan naxariis lahayn’ oo aanay ku kalsoonayn.

    Nairobi ayaa xuddun u ah hawlgalada Qaramada Midoobay.

    Korir Sing’oei, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa mar wax laga weydiiyay hadalka Aamina Mohammed, waxa uu ku tilmaamay ‘mid laga xumaado’, isagoo sidoo kale xusay in “Kenya ay aad u neceb tahay inay si qarsoodi ah u duubto madaxda Qaramada Midoobay”.

    Sing’oei ayaa sheegay in Ruto uu sii wadi doono dadaalkiisa caalamiga ah ee wax ka qabashada isbedalka cimilada, dib u habeynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo inuu hormuud ka noqdo arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

    Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa Jimcihii sheegay in “si khaldan looga been sheegay” hadalka Aamina Maxamed, “lagana saaray nuxurka macnaha guud”.

    Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Martin Kimani, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Jimcihii inuu la hadlay Guterres iyo Aamina Maxamed “si ay u caddeeyaan waxa ay walaac ka qabaan” iyo in ay u muujiyaan diidmada Kenya ee la socodka dhaqdhaqqyada xog-hayaha guud.

    VOA + Reuters.

    The post Kenya oo ‘ka xumaatay’ hadal kasoo yeeray QM appeared first on Caasimada Online.

  3. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saraakiisha ciidamada Somaliland amar ku siiyay in Laascaanood Todobaadkan lagu qaado dagaal xiriir ah oo socda mudda lix maalmood ah.

    Kornayl Biixi ayaa u sheegay saraakiisha in aysan mudda lix maalmood ah kala joojin weerarka si ay dib ugu qabsadaan Laascaanood sida ay xaqiijinayaan xogo amni.

    Xogtan ayaa sidoo kale sheegaysa in Muuse Biixi uu Saraakiisha ku adkeeyay in ay awood kasta geliyaan sidii Ciidka ka hor lagu qaban lahaa Laascaanood.

    Taliska Muuse Biixi ayaa in ka badan 60 cisho weeraro kala duwan ku hayay Laascaanood si uu dib ugu qabsado inkastoo uu dhammaantood ku fashilnay.

    Ciidamada  SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale wax ka yar laba bilood Taliska Muuse Biixi kaga qabsaday guud ahaan Gobolka Sool marka laga reebo Taliska Gooja-cadde iyo nawaaxigiisa.

    PUNTLAND POST

    The post Xogtii u danbaysay ee dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.


  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan dib ugu laabto Garoowe.

    Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la filayaa in uu Axadda ku laabto Garoowe.

    Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo Garoowe kula kulmi doona isimada dhaqanka SSC-Khaatumo iyo guddi qaabilsan gurmadka banii’aadanino ee Laascaanood.

    Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono dardar gelinta gurmadka banii’aadanimo ee loo fidinayo shacabka ku bara-kacay dagaalka Laascaanood.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Deni iyo Isimada SSC oo lagu wado in ay kulan gaar ah ku yeeshaan Garoowe appeared first on Puntland Post.


  5. FB_IMG_1681505370971.jpg?resize=719%2C48

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka  dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

    Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni  qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika.

    Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.


  6. qoor-qoor.jpg?fit=960%2C720&ssl=1

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray duulaanka ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaan ay ku wiiqayaan awoodii kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxaana warkaan lagu cadeeyey in ciidanku ay kooxda ka xoreeyeen deegaano badan.

    “Waxaa u mahadcelinayaa ciidamada xoogga iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka oo kooxda khawaarijta ah ka xoreeyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Galguduud, sida degmada Galcad, magaalo dalxiiseedka Budbud, magaalada Ceelyabaal iyo ku dhawaan 20 tuulo, kuwaas oo ku jiray gacanta Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

    Qoraalka Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Wajiga labaad ee howlgallada ayaa si xowli ah uga socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kusii siqayaan degmada facaweyn ee Ceelbuur iyo deegaannada ku hareereysan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan firxadka Khawaarijta.”

    Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

    Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

    Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda oo maanta ay ka ruuqaan-sadeen.

    Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

    Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

    Berri oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in duulaan kale lagu qaado Budbud, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, wuxuuna deegaankaan muhiim u yahay howlgalka xoreynta ah ee Galgaduud ka socda.

    WhatsApp-Image-2023-04-14-at-20.22.11.jp

    The post Galmudug oo war kasoo saartay howlgalka ay ciidanka DF ka wadaan Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

  7. xoogga-dalka-ciidan-ciidamada.jpg?fit=12

    Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

    Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

    Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda.

    “Khawaarijta oo u adkeeysan waysay cududa ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka ayaa baneeyay in ka badan 20 fariisin oo ay ku la haayeen deegaanada hoos taga magaalada Galcad,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

    Howlgalka lagu xoreeynayo deegaanadaas ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa qayb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

    Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

    Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

    Berri oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in duulaan kale lagu qaado Budbud, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, wuxuuna deegaankaan muhiim u yahay howlgalka xoreynta ah ee Galgaduud ka socda.

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

    The post Ciidanka xoogga oo galabta Al-Shabaab ka xoreeyey deegaan kale oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.
    Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqabadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.
    Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.
    Guubjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. xasan-sheekh-iyo-abiy-axmed.jpgaaa.jpg?f

    Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

    Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

     Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

    Sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol ayey dowladda Soomaaliya ku soo bandhigi doontaa shirkaas.

    Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda bilow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

    Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Hoos ka daawo soo dhaweyntii wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya

    The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo Addis Ababa u tegay sameynta isbaheysi cusub appeared first on Caasimada Online.

  10. Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay weyday maleeshiyaad cusub oo ay qorato, sababo la xiriir lix arrimood oo ay soo bandhigtay.

    Dowladda ayaa waxay sheegtay in kooxda ay lumisay dagaal-yahaano badan oo daacad u ahaa, kadib markii ay badatay dhalinyarada iska soo dhiibaysa ee usoo galeysa dhanka dowladda, oo ayadu fursad ay fikirkaas uga soo laaban karaan siisay dhalintaas.

    “Dhaqaalihii Khawaarijta Al-Shabaab soo gali jiray ayaa si aad ah hoos ugu dhacay, waana mid kamid ah sababaha ay kooxda u weysay Maleeshiyaad cusub oo ay qortaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Sidoo kale waxay sheegtay dowladda federaalka in cadaadis xoog leh oo kooxda Al-SHabaab ay saartay dagaal-yahaanadeeda ku harsan ay sabab u noqotay in lagu hiran waayo xilligaan, “Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdarada ah.”

    “Weerarada lagu qaadayo deegaanada ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimashada oo ku batay,” ayaa kamid ah sababaha lixda ah ee ay dowladdu sheegtay inay meesha ka saartay in Al-Shabaab ay hesho dhalinyaro cusub oo ka barbar dagaalama.

    Dadka Soomaaliyeed ayay sheegtay inay fahmeen dhagarta kooxda, sidaas darteedna aysan xilligaan ku dhex dhuuman karin, maadama ay dadka deegaanka ah ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    “Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Hoos ka aqriso

    Khawaarijta Al-Shabaab oo waayey Maleeshiyaad ay qortaan sababo la xiriira qoddobadaan.

    1. Waxaa badatay dhalinyaradda iska soo dhiibaysa Khawaarijta.
    2. Dhaqaalihii kooxda soo gali jiray oo hoos u dhacay.
    3. Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdaradda ah.
    4. Weeraraada lagu qaadayo deegaanada ay dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimasho oo ku batay.
    5. Dadka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta Khawaarijta.
    6. Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen.
    The post DF oo shaacisay in Shabaab ay weyday xubno cusub oo ay qorato lix arrin darteed appeared first on Caasimada Online.

  11. CC-Shakuur.jpg?fit=1440%2C1080&ssl=1

    Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb-galay dood la xariirtay sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cuntada dunida, kaas oo barbar socday shir ka dhacay magaalada Washington.

    Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah mid sanadle ah, islamarkaana loogu magac daray Kulamada Gu’ga (Spring meetings).

    Sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale.

    Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

    Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is-hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.

    Waxa uu xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

    Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga,macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida cunto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

    “Dooddayda waxaa sal u ahaa in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi oo keli ah ahayn ee ay haysato khayraad dabiici ah, macdan qaali ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, kuna taalo meel ahmiyad juqraafi istaraatiiji ah leh, dadkeeduna u badanyahay dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib soo saaray qoraal kooban.

    Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddaba cid kasta oo maanta culayska iyo caqabadaha naga horqaada, mustaqbalkana nala maalgashata waxaa hubaal ah inay ku faa’iidi doonto.”

    Si kastaba, Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, cirib-tirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya horumarka caalamiga ah iyo hanaanka maaliyadeed ee dunida.

    The post Ergeyga Madaxweynaha oo Mareykanka uga qeyb-galay kulan muhiim u ah Somalia appeared first on Caasimada Online.

  12. Odinga.jpg?fit=1597%2C898&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Mucaraadka Kenya ayaa ku dhowaaqay in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ay dib u billaabmi doonaan markii ay dhamaato bisha barakeysan Ramadan, inkasta oo uu jiro heshiis wadahadal oo ay kula jiraan xisbiga talada haya.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dhacay caasimadda, ayaa sheegay in waqtiga dib u billaabashada dibad-baxyada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka oo la filayo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.

    Waxaa la qorsheeyey dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda, halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaashamaadkii.

    Mucaaradka ayaa horey dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada faras magaalaha.

    Intii ay socdeen dibad-baxyada, macbadyo ku yaalla deegaanka uu ku xooggan yahay Odinga ee Kibera iyo hanti ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa dab la qabadsiiyey.

    Dibadbaxyada ayaa looga dan lahaa in dowladda lagu cadaadiyo inay hoos u dhigto sare u kaca qiimaha nolosha iyo in guddiga doorashada ay dib u furaan kombuyuuterada doorashada 2022, oo mucaaradka ay diideen inay aqbalaan natiijadeeda.

    Madaxweyne William Rut, oo la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashooyinkaas, ayaa khudbad uu jeediyey 2-dii April wuxuu ku booriyey mucaaradka inay joojiyaan dibadbaxyada, ayna ogolaadaan wadahadallada.

    Odinga ayaa kadib hakiyey dibadbaxyada, waxaana labada dhinac ay magacaabeen koox siyaasiyiin ah, kuwaasi oo eegaya arrimaha ay soo jeediyeen mucaaradka.

    Hase yeeshee mucaaradka ayaa maalmihii dhowaa ku eedeeyey dowladda inaysan ka go’neyn islamarkaana dhab ka aheyn wadahadallada, ayaga oo su’aalo ka keenay shaqsiyaadka ay soo magacaabeen xisbiga talada haya oo ay ku jiraan xubno horey uga soo goostay mucaaradka.

    Odinga ayaa hadda sheegaya in dibadbaxyada ay garab socon doonaan wadahadallada.

    Mucaaradka ayaa ku baaqaya in wadahadallada ay ka qeyb galaan saamileyda kale sida bulshada rayidka, hase yeeshee xisbiga talada haya ayaa ku adkeysanaya in hanaankan uu noqdo mid baarlaamaani ah.

    Safiirada reer galbeedka iyo kooxaha bulshada rayidka ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo wadahadallo intii ay socdeen dibadbaxyada.

    AP + VOA

    The post Odinga oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka dhan ah dowladda dalka Kenya appeared first on Caasimada Online.

  13. Xusul-iyo-farey.png?fit=985%2C532&ssl=1

    Galcad (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa safar ku tegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

    Xildhibaanada kala ah Yaasiin Farey, Cabdirisaaq Xusul iyo Senator Zamzam Daahir ayaa hoggaaminaya wafdiga gaaray Galcad oo ah degmadii ugu dambeysay ee laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

    Xildhibaanada ayaa markii ay tageen Galcad waxay la kulmeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ee suurta galiyey in Galcad ay si nabad ah ku tagaan xildhibaano heer federaal ah.

    Xildhibaanadaan oo ka soo jeeda Galcad, Mesegawaa iyo Ceeldheer ayaa hey’adaha deeq bixiyayaasha ah ugu gacan haatiyey in loo soo gurmado qoysaska ku nool deegaanadaas oo noloshoodii ay burburisay kooxda Al-Shabaab.

    Kooxda oo waayo badan heysatay dhulkaas ayaa deegaanadaas u diiday wax hormar ah, waxayna xildhibaanadaan u kuur gelayaan nolosha dadkii ku noolaan, kadib markii laga xoreeyey Al-Shabaab.

    “Hey’adaha deeqda bixiya deegaanada kalena waa geeyaan waxa ay hayaan, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay Galcad iyo deegaanadaan la soo gaaraan gargaar, noloshii dadkaan waxaa dhulka la gashay kooxdii ay ka dul-qaadeen geesiyaasha xoogga dalka,” ayey tiri Senator Zamzam Daahir.

    Xildhibaanada ayaa ciidanka xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanad-guuradooda 63-aad oo sanadkaan ay ku qaadanayaan furimaha dagaalka, maadaama aysan u suurta gelin inay dhigtaan xaflado waaweyn oo dagaal adag ay kula jiraan Al-Shabaab.

    Ciidanka xoogga dalka ayaa duurka fog ee gobolka Galgaduud ku sii baacsanaya kooxda Al-Shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay kooxda ka saareen dhowr deegaan oo hoos tagta Galcad.

    Cali-yabaal, Sabansabley, Ceeljuqow, Cali Afrax, Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah ayuu ciidanku ka xoreeyey kooxda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxayna maanta kaabiga ku hayaan degaanka Budbud oo kooxda Al-Shabaab ay weli joogto.

    Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, welina gacanta ugu jira Al-Shabaab.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: DF oo wafdi u dirtay Galcad iyo xogtii u dambysay ee howlgallada Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

  14. “Alhamdulilah. Ilaahay baa mahad oo dhan iska leh, nagu galladay noona sahlay in aan soo booqanno Gurigiisa Xaramka barakeysan ee Makkah, annagana oo gudaneyna waajibaadka Cumrada ah.
    ILAAHA weyn ee waaxidka waxa aan ka rejaynayaa in uu dhammaanteen inna waafajiyo kheyrka bishan oo dhan, gaar ahaanna tobankan dambe, inta xanuunsan inoo bogsiiyo, inta dhimatay u naxariisto, colaadaha, xasilooni darrada iyo aaafooyinka dabiiciga ah ha innaga samatabixiyo. Aamiin.
    لبيك اللهم عمرة 🕋.”
    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
    341042322_776177487049584_10690740828558
    341003271_706165144632065_73438729211372

    Qaran News


  15. Xasan-2.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay si rasmi ah u dhaqan-gelinayaan amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

    “Anaga oo ka amba-qaadeyna hadalkii madaxweynaha, hay’addaha amaanka ee laga rabo inay fuliyaan awaamiirtaas ayay kow ka yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sida ay tahay ayaa loo fulinaya amarkaas,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumim

    Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay inuu billowday howl-galka, isaga oo ku wargeliyay ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka inay uga soo tagaan xeryahooda.

    “Ciidamada qoryaha magaalada ku dhex wata waa inay xeryaha uga soo tagaan qoryaha, haddii ay ahaan lahaayeen Boolis, Nabad-sugida, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga. Magaalada laguma arki karo qori aan ka diiwaan-gashaneyn ciidanka, qof shacab ah oo qori watana lama ogol.”

    Taliye Mahdi ayaa sidoo kale wuxuu ka digay in ciidamada dowladda ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee kala dagaalamayaan caasimadda dalka ee magaalada Muqdisho, “Askari kasta oo socda oo la qabto inuu xabsi galaayo oo la xirayo.”

    Waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta dowladda aysan weli u hogaansamin amarkii dhawaan soo baxay, oo weli caasimadda ku dhex wataan hubka culus noocyadiisa kala duwan, islamarkaana lagala xisaabtamo doono arrintaasi.

    “Masuulkii inta BKM iyo Dashiike isaga oo wata inta la joojiyo xabad bilaaba, askariga qoriga wata lasoo xiri waayo iyo wiilka istaafka ah ee waxaa lasoo xiraa oo loo haysta masuulka ay waardiyeynayaan, isaga ayaa loo eedeyna oo maxkamadda looga waca.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho xilli lagu guda-jiro bisha Ramadaan, ayna tallaabo adag ka qaadi doonaan, “Goobaha fawaaxishada ah iyo waxyaabaha maanka-dooriyo lagu isticmaalo waa mamnuuc, lamana ogola waa la xirayaa.”

    The post Amarkii Xasan Sheekh oo laga dhaqan-gelinayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.