Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,050
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Mogadishu (HOL) - Somalia is grappling with catastrophic floods that have impacted approximately 175,000 people, a sharp increase from 100,000 just two weeks prior and displaced 140,000 individuals. The most severely affected areas are the Baardheere district in Jubaland State and Baidoa in Southwest State, where shelters and farmland have been obliterated, livestock washed away, roads rendered impassable, and schools forced to close.

    Source: Hiiraan Online


  2. Duqayn ka dhan ah maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari.

    Duqaynta oo ahayd mid xooggan ayaa sida la xaqiijinayo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan argagixisada oo ku dhuumanayay godad ku yaalla buuraleyda Qandala.

    Xogaha dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM oo kaashanaya sirdoonka Puntland uu fuliyay Hawlgalkaas.

    Maraykanka iyo Puntland midna weli kama hadlin khasaaraha duqayntaas lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish.

    PUNTLAND POST

    The post Duqayn lagu beegsaday kooxda Daacish oo ka dhacday buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.


  3. Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday tijaabadii ugu horreysay ee lagu sameeyo gantaalkeedii ugu horreeyay ee oo loogu magac daray Hwasong-18 ,kaas oo awood u leh in uu iskaga kala goosho qaarad ka qaarad.

    Subaxnimadii maanta Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay tijaabinta gantaalkaan oo lagu tilmaamay guul mucjiso ah.

    Warbaahinta ayaa soo xigatay Kim isagoo leh Hwasong-18 ayaa si degdeg ah u horumarin doonta jawaabta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ,wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadi doonaan tayeynta iyo horumarinta hubka  Nukliyeerka.

    Tijaabada gantaalkaasi waxaa qeylo dhaan ka soo saaray Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, kuwaas oo muddo kooban ku amray dadka deggan jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi inay isaga guuraan halkaasi.

    PUNTLAND POST

    The post Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal nooca Qaaradaha isaga gudba ah appeared first on Puntland Post.


  4. FB_IMG_1681455671310.jpg?resize=721%2C48

    Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo muddo afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

    Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha JFS u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

    Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Dowladda Serbia uga mahadceliyay garab istaaga iyo Taageerada ay u muujisay Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Serbia appeared first on Puntland Post.


  5. FB_IMG_1681199428217.jpg?fit=1080%2C742&

    Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada.

    Guterres oo hadal u jeediyay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada-hadleen sidii nidaamka Qaramada Midoobay ay usii wadi lahayd taageerada Soomaaliya, si loo sii ambaqaado horumarkan wanaagsan.

    Waxa uu sheegay inuu hoosta ka xaariiqay muhiimadda ay xilligaan leedahay in wada-shaqeyn xooggan ay dowladda federaalka la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, si looga hortago khataraha amni ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab, oo dagaal uu kaga socdo qeybo kamid ah dalka.

    “Waxaan bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres.

    Gutteres ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lixdii sanno ee la soo dhaafay tan iyo booqashadiisi hore, uu xilligaan arkay horumar laga gaaray xagga nabadda, amniga iyo horumarka waara.

    “Waxaan jecelahay inaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka Soomaaliyeed uga mahad-celiyo sida diiran ee la ii soo dhoweeyay. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ku soo laabto iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”

    Waxa uu intaasi sii raaciyay “Tani waxay tahay anigoo sii wada dhaqankaygii sannadlaha ahaa ee booqashooyinka is-garabistaagga ee Ramadaanka, oo ka soo billaabatay waqtigii aan ahaa Wakiilka Sare ee Qaxootiga.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay dowladda uga go’an tahay xuquuqda iyo matalaadda haweenka, isaga oo baaqay in si buuxda loo dhaqan-geliyo xeerna laga soo saaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashooyinka.

    “Saaxad rayid ah oo ammaan ah oo loo wada dhan yahay waxay lagama maarmaan u tahay maamul wanaaga waxayna gacan ka geysan kartaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha. Ka qayb-galka buuxa ee saaxadda siyaasadda oo ay ka qayb-galaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay dib-u-eegista dastuurka ayaa lagama maarmaan ah.”

    The post Guterres oo shaaciyay in Xasan Sheekh uu kala hadlay ‘khatarta’ khilaafka maamullada appeared first on Caasimada Online.

  6. Flash and riverine floods caused by heavy rains in Somalia could exacerbate outbreaks of waterborne diseases, the UN humanitarian agency warned on Thursday.

    The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the rains have come at a time when an outbreak of cholera and acute watery diarrhea is reported, mainly in Jubaland State, southern Somalia, and South-West State.

    OCHA, citing statistics from the Ministry of Health, said at least 4,000 suspected cholera cases and 17 associated deaths have been reported from 27 districts since January.

    “Local communities and authorities have stepped up response activities in affected areas,” the UN agency said in its latest update on flash floods.

    It said the flash floods have affected over 175,000 people in Somalia since the beginning of the rainy season in mid-March, of whom 140,000 have been displaced.

    The most affected areas are Bardhere district in Gedo region, southern Somalia and Baidoa district in Bay region, southwestern Somalia.

    The Gu (rainy) season typically stretches from April to June.

    “Should heavy rains continue in Somalia and in the Ethiopian highlands through the season, partners estimate that flash and riverine floods could affect up to 1.6 million people, with over 600,000 displaced,” OCHA warned.

    It said most displacements would happen in hotspot areas along the Juba and Shabelle rivers, and parts of Bay and Banadir regions with localized flooding in Galmudug, Puntland and Somaliland.

    OCHA said more than 21 people died due to flash floods in Bardhere district, Jubaland State, following heavy rains from March 21 to 24.

    The heavy rains and flooding have come following five seasons of drought that has displaced more than 1.4 million Somalis and killed 3.8 million livestock since mid-2021, the UN agency said. Enditem

    Xinhua

    Qaran News


  7. Mogadishu (HOL) - The Somali and German governments have entered into a financial agreement valued at $19 million to revitalize Somalia's economy and business sectors. The deal, which has been under negotiation for nearly two years, was officially signed in Mogadishu by Gargara, a division of the Somali Ministry of Finance that supports commerce and banking, and the German Development Bank (KFW).

    Source: Hiiraan Online


  8. Puntlandm.webp?fit=768%2C477&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Weerarkaas oo loo adeegsaday qaraxyo ayaa waxa lagu qaaday xarun ganacsi oo ay laheyd shirkadda Al-Macruuf, waxayna Puntland sheegtay inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso oo farriisin ku leh buuraleyda gobolka Bari, taasi oo ay ula jeedo Al-Shabaab iyo Daacish oo iyadu ku xooggan halkaasi.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay weerarkaasi ayaa waxa uu sheegay in ujeedkiisu ahaa cabsi galinta ganacsatada magaalada Boosaaso, si ay kooxaha argagixisada ugu meel-maryo lacagaha baada ah ee ka qaadan ganacsatada.

    Taliye Shire ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo xogo ku saabsan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi oo lagu qaaday xarun ganacsi oo iska laheyd shirkadda Al-Macruuf.

    “Shirkadaha xawaaladaha, bangiyada iyo kuwa isgaarsiinta waxaa uga digaynaa inay akoono u sameeyaan koooxaha doonaya inay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada (kuwa Puntland),” ayuu yiri Taliye Shire oo si adag uga horyimid lacagaha baada ah ee kooxaha argagixisada sida xoogga ah uga qaatan ganacsatada.

    Ugu dambeyntiina waxa uuu sheegay in maamul ahaan ay qaadayaan tallaabooyin looga jawaabayo hanjabaadda lagu hayo ganacstada gobolka Bari, si looga badbaadiyo dhagarta kooxaha argagixisada, sida uu sheegay.

    Ganacsatada Puntland ayaa wajahaysa halis uga imaaneysa kooxahaas, gaar ahaan kooxda Daacish oo halkaasi ku xooggan, waxaana lasoo warinayaa inay xirmeen xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay.

    Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ay ku dagaalameen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen.

    Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

    Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto.

    Si kastaba, sida la fahamsan yahay illaa hadda ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan.

    The post Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii Boosaaso iyo tallaabo ay qaadeyso appeared first on Caasimada Online.

  9. Ibado Mahmud lives in a typical house in an Arizona development, and from the front, any visitor might be mistaken for thinking it is just that: typical. But Mahmud’s ordinary home hides an abundant homestead garden stretching from the house all the way to the brick wall marking the edge of the property. It is one of the many homestead gardens that make up Drinking Gourd Farms.

    Source: Hiiraan Online


  10. 340316528_620623393287280_91570219428479

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bedeshay inta badan ciidamadii Booliska ahaa ka howl-gali jiray baraha ciidan ee wadada Wadnaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

    Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay bedelay ku dhawaad 200 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugna dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, kana soo bilaabanayay isgoyska Mirinaayo ee degmada Kaaraan illaa isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

    Ciidanka Booliska ee la bedelay ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ka howl-galayay baraha ciidan ee yaalla wadada Wadnaha kasoo gudba ee soo aadda dhanka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

    Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halkaasi ka sameysay baraha ciidan, marka loo eego dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha, waxaana waqti kamid ah Muqdisho ka abuurmay goobo kala wareeg ah, maadama gaadiidka kuwa raaxada ee aan laheyn aqoonsiyada dowladda loo ogoleyn inay kasoo gudbaan wadada Wadnaha.

    Ciidanka cusub iyo saraakiil hoggaamineysa oo dhawaan tababar kasoo baxay ayaa waxa uu taliska ciidanka Booliska ee gobolka uu geeyay barahaasi ciidan, iyaga oo la wareegaya amaanka goobaha laga soo badalay ciidankii afartii sano ee lasoo dhafay ku sugna halkaasi.

    Dhawaan unbay aheyd markii ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

    Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

    Ciidankan cusub ayaa waxaa loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii, waxayna hoostagaan talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan.

    Si kastaba, dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay hadda si gaar ah isha ugu haysa xaqiijinta ammaanka Muqdisho, waxaana hadda amaanka gobolka Banaadir si wada-jir uga shaqeynaya ciidan ka tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo ciidan cusub oo dhawaan lagu soo biiriyay oo ciidanka xoogga dalka.

    The post Xog: DF oo bedeshay ciidan Muqdisho ka howl-galayay afartii sano ee udambeysay appeared first on Caasimada Online.

  11. df01j.jpg?fit=1024%2C683&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis cusub oo dhaqaale kula saxiixatay Jarmalka, kaasi oo ay ku baxeyso lacag gaareysa 19 Milyan oo doollar.

    Heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano, kaasi oo maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda oo taageerta ganacsiga iyo Bangiyada iyo Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

    Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah agaasimyaasha guud ee Wasaaradda, Madaxda sare ee hay’adda Gargaara, Madaxda Bangiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

    Heshiiskan cusub ayaa waxaa muhiim u yahay dib usoo kabashada illaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya, iyada oo maal-gelintaan ay si gaar ah xoogga u saari doonto ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

    Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara ee Wasaaradda, Suleymaan Cabdi Ducaale oo ka hadlay munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa kaga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taageerada ay la garab taagan yahiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    Sidoo kale, Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo iskaashiga Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa waxay ballan-qaaday inay taageero buuxda siin doonto hay’adda heshiiska dhaqaale la saxiixatay Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

    “Waa ku kalsoonahay Gargaara taageerada ay siiso ganacsiyada gaarka,” ayey tiri Allena Kern oo ka hadashay shaqada ay hayso hay’addaan oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

    Si kastaba, Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.
    df01j.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    df02j.jpg?resize=696%2C517&ssl=1

    df03j.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    df04j.jpg?resize=696%2C534&ssl=1

    The post Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale oo malaayiin dollar ah appeared first on Caasimada Online.

  12. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe howlgallo ka waday gobollada dalka ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud  ee dowlad goboleed Galmudug.

    Ciidanka ayaa howlgalkooda maanta waxaa ay  kula wareegeen  tuulooyinka Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud, haas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

    Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27aad ee ciidanka xoogga  Kornayl Saneey Cabdulle oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo Khawaarijtu ku laheed tuulooyinkaan.
    Ciidamada ayaa sido kale la wareegay maanta deegaanka Cali Yabaa oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo dhowr sanaa ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
    Howlgalladaan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ay dowladdu sheegtay in laga fulinaayo deegaanno ka tirsan maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.42-1.

    Cali-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay kala wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay in maanta ay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas.

    Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay.

    Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

    Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah.

    Hamiga ciidanka xoogga dalka ee ku sii siqaya dhulka ay Shabaab ka joogaan gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud waa in maalmaa soo socda gudaha loo galo Ceelbuur oo halka degmo ee kooxdu ay ka joogto bartamaha Soomaaliya.

    Colaada ka jirta deegaanaada, qaxa ay Shabaab-ku ku qasbayaan shacabka, si ay gabaad uga dhigtaan, isgaarsiin la’aanta ka jirta dhulkaan fog iyo cunaqabateynta ay dowladdu saartay kooxda, waxaa shacabka u dheer roobka Guga oo maalmahaan si joogto ah uga da’aya dhulka lagu dagaalamayo.

    Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan.

    Hadda waxaa siman oo saf-balaaran ah ku soca doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, isla markaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

    WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.19-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.20.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.16.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.17-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.17.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.18-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.18-2. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-07.09.18.jp

    WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.46.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.47-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.47.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.48-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.48.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.49.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.50.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.41.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.42-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.42.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.43.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.44-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.44.jp WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.45-1. WhatsApp-Image-2023-04-13-at-01.35.45.jp

    The post Ciidanka DF oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey 3 deegaan oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

  14. 340628038_166340606326761_81361287622907

    Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Mareykan ah oo tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Wafdigan ayaa waxaa horkacayay safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle , kaas oo wadahadal toos ah la yeeshay Axmed Madoobe.

    Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada .

    Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in kulan looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee socdo isla-markaana uu qayb ka yahay Mareykanka.

    Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray howlgallada dib loogu xoraynaayo deegaanada Jubaland oo haatan la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka.

    Sidoo kale waxaa Kulanka lagu soo qaaday xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanadaasi.

    Dhanka kale, waxaa wafdiga ka socda safaaradda Mareykanka iyo Jubbaland ay ka wada-hadleen arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah, loona caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

    Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Soomaaliya.

    Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka.

    340628038_166340606326761_81361287622907 340926741_1362499421269951_7367039826905 341019149_3209034222576587_7075779377144 341165530_1920055928361176_8508812995294 341190692_775470393835357_36750587855466 340544510_891233468617469_91528278220195

    The post Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta wafdi Mareykan ah kula shiray Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

  15. morgan.jpg?fit=640%2C427&ssl=1

    Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

    Wasiirka ayaa sheegay in Jeneral Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan milatariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaalada Laascaanood.

    Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu horay dambiyo dagaal uga gaystay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan  intii uu socday dagaalkii dowladdii kacaanka iyo ururkii SNM.

    Caateeye ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Moorgan uu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.

    “Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

    Maalmihii u dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay wararka ku saabsan Jeneralkan oo lagu arkay bartamaha magaalada Laascaanood, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan, maadaama gudaha magaaladaas bishii 3-aad ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

    Marka laga tago arrinta Moorgan waxaa Laascaanood horay u tegay taliyeyaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya iyo taliyihii hore ee guutada afaraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya oo isna uu dagaalka ku dhintay, walow Danab ay iska fogeysay sarkaalkaas.

    Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood eedeymo culus u jeedineysay hoggaanka Puntland iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.

    The post Somaliland oo shaacisay arrin ku saabsan MORGAN iyo dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.